7 Qaab Oo Si Deg Deg Ah Miisaanka Loogu Yareyo

Netherlands (Horseed News) – Miisaanka oo si badbaado leh loo dhimaa waa mid ka mid ah waxyaabaha ay dad badani raadiyaan, waxa aad miisaankaaga ku dhimi kartaa adiga oo cuna qadar ka yar kaloriyada jidhkaagu heli jiray, hadii aad doonayso in aad dedejiso miisaan dhimista, ka digtoonow cuntooyinka aad cunto ee maalinlaha ah, Qiime waxa aad cunayso. Ilaha kalooriyada dheeraadka ah waa tallaabo kale oo la qaado.Doorashada wanaagsan ee mustaqbalka dhow iyo muddada dheerba way ku anfacaysaa. Warbixintan, waxaan kugula wadaagi doona 7 siyaabood oo kaa caawin kara inaad lumiso miisaanka si degdeg ah oo badbaado leh, sida laga soo xigtay website-ka  Healthline .

7 Siyaabood Oo Si Deg Deg Ah Miisaanka Loogu Yareyo

1. Cun khudaar badan

miisaan yareynta

Haddii aad ka fekereyso inaad sameysato cunto nidaamsan ka duwan midii aad hore u cuni jirtay, waa inaad ku dartaa khudaar sida ansalato, Kaluunka Toonada, Avacado, Cambuulo ama Digir, Muus, Cambe, Qaraha, hilibka digaaga iyo kaluunka iyo Qaar Kaloo Ban (ugu yaraan 60% wax kasta oo aad cunto ku dar qadar kamida intaas aan soo xusnay), si aad u hesho caafimaad wanaagsan,una lumiso miisaanka, oo aad dareento dhereg adoo cunto yar cunay hubaal way ka faa’ido badan tahay saxan bariis ah oo aad liqdo. Riix halkan xeelado kale oo miisaan dhimis ka akhriso

2. Quraac ka wanaagsan

Dhammaan cunnooyinka waa muhiim, laakiin quraacdu waa waxa kaa caawinaya inaad maalintaada ku bilowdo waana jidka saxda ah oo lagama boodi karo, quraacda ugu fiican waa mida ay kaa buuxdo nafaqo badan tusaale hadaad ku quraacato ukun ama suqaar saliidu ku yartahay iyo rooti ama canjeero aad ku cunto waa quraac dhameystiran oo vitaminadii jidhkaagu baahna intooda badan ku dhanyihiin, Waxay kaa badbaadinaysa inaad kolba gaajo dareento adoo shaqadaada maalinle wata oo aad dhowr jeer wax cuni lahayd taaso cayil kugu sababi lahayd.

Waa inaad cuntaa inta u dhaxaysa 450 ilaa 600 kalori cuntadaada subaxda waa hubaal rootiga ama canjeerada beerka aad ku cunayso ayay ku jiraan, kadib hubi inaad ku darto borotiin kugu filan (sida ukunta, yogurt, iyo lawska), ‘timirta oo fiber leh’ fiber dheefshiidka ayuu u fiican yahay (khudradda iyo miraha), 100% ku dadaal miraha khudaarta noocyadooda kala duwan.

Ka bilow maalintaada isku-darka nafaqooyinka kaa caawinaya xasilinta sonkorta dhiigga waxay kaa caawin doontaa inaad lumiso miisaanka waliba si fudud oo aad latacajabi doontid.

3. Cab shaaha iyo kafeega

Sida miisaanka loo dhimo

Caffeine waa dareere dabiici ah waxayna yareyn kartaa dibirada, waana il heer sare ah oo laga helo antioxidants ka ilaaliya unugyada in waxyeelo soo gaadho suntana jidhka ka saara, waxaad cuni kartaa ilaa 450 mg oo qaxwo ah maalin kasta, sida ku cad tilmaamaha cuntada ee Haayada caafimaadka cuntada ee Maraykanka.

Shaahu sidoo kale waa dareere dabiici ah, shaaha dhirta sida dheesha ama xididka fennel ayaa sidoo kale kaa caawin kara dhimista miisaanka si deg deg ah.

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in dadka cabba shaaha cagaaran ay gubaan ilaa 72 kaloori oo dheeri ah hal-maalin gudaheed.

4. Ka fogow cabitaannada sonkorta leh

Ka taxadar qaadashada casiirka noocyadan ah, soodhaha, kookaha, kafeega sokorta lagu badiyay, iyo shaaha macaan, Haddii aad isticmaasho mid kasta oo ka mid ah cabitaannadan maalintii, waxaad heli doontaa ugu yaraan 800 oo kaloori dheeraad ah habeenkii – welina waxaad dareemi doontaa gaajo taas oo kugu sababi doonta inaad cunto badan cunto kadibna calooshu taangi ku noqoto oo miisan badan ku fuulo.

5. Jimicsiga culayskeegu yahay 5 kg

Tababbar iyo jimicsi aad sameyso ayaa dhisa unugyada muruqa caatada ah, kaas oo gubaya kalooriyo badan – shaqada adoo jooga wax culus yara qaad qaad ilaa 10 daqiiqo ama xiliga nasashada – 24 saacadood maalintii, toddobada maalmood ee usbuuca ka dhex sameyso xiliyo gaar ah oo aad jimicsato waliba jimicsi fudud.

Sida muruqyadaadu u jilicsan yihiin ayay halmar adkaan doonan markaad jimicsi samayso, sida ugu dhakhsaha badan ayaad miisaankaaga u dhimi doontaa.

Isku day xoogaa push-ups ah ama jimicsiyo kale oo isticmaal miisaankaaga si aad u sameyso muruqyo adag gurigaaga ama xafiiskaaga ayaad ku sameyn kartaa. Sidoo kale samee jimicsiyada caloosha lagu yareeyo, cududda, dhabarka iyo dhaqdhaqaaqa lugaha iyo gacmaha waa qaab activity ah oo baruur badan jidhku ku gubo.

Halkan Ka akhriso maqaal hore aan uga qornay miisan dhimista

6. Cun cuntooyinka basbaaska leh

Waxay kaa caawin kartaa inaad gooyso kalooriyada sababtoo ah capsaicin, oo ah iskudar laga helo basbaaska jalapeno iyo basbaaska kulul, ayaa laga yaabaa inay gubaan baruurta jidhkaaga ku kaydsan (wax yar) kordhinta dheecaanka jidhkaaga ee hormoonnada sida adrenaline, taas oo soo dedejin karta awooddaada inaad gubto kalooriyooyinka saa’idka ah.

Intaa waxaa dheer, cunista basbaaska kulul ayaa laga yaabaa inay kaa caawiso inaad si tartiib ah wax u cunto oo aad iska ilaaliso cunista xad dhaafka ah tani kaliya waa cilmi baadhis laakiin basbaasku haddii uu dhib kuu gaysanayo ha isticmaalin badalkiisa biyo culul iyo liimo-dhanaan cab subaxda hore intaanad wax cunin.

7. Goor hore seexo

Waxaa jira cilmi baadhisyo badan oo muujinaya in hurdo ka yar todoba saacadood habeen kasta ay hoos u dhigi karto dheef-shiid kiimikaadkaaga, Taas oo macnaheegu yahay maadaama aan umad islaama nahay inaad bacda salaada cishaah iska seexato ilaa 9 ka habeenimo kadibna aad soo kacdo 4 afarta habeenimo oo taqriiban salaada subax ku dhow, Soo kacdide ma xumee waa inaad iska wayso qaadato biyo diiran oo liin-dhanaan lagu daray aad cabto kadib iskasoo tuko markaad masjidka kasoo baxdo oradka yar ee loo yaqaan ruclayn ku imo xaafadaada walow 5 daqiiqoba hakugu qaadato ee, Nidaamkan si buuxda ayuu kuu caawin doona adoon rafaad badan marin ayuu miisaankaagu si layaab leh u yaraan doona guul baan kuu rajaynaya.

Guntii iyo gaba-gabadii waxan rajaynaya maqaalkan kooban ee ku saabsan 7 qaab u yaree miisaankaaga inuu caawin doono qof walba oo raba inuu miisaankiisa si fudud ku dhimo, Waana hubaal qofkii shaxdan raaca inshaa allah inuu guul ka gaadhi doono yoolkiisi ahaa sideen u dhimaa miisankan badan, waxan ku talinaya in cuntada aan la iska cunin laakiin cunto walba laga cuno inta ugu nafaqada badan.

Tusaale saxan bariis ah oo aad cunto waxa ka wanaagsan oo ka nafaqo badan waslad digaag ah ama kaluun ah iyo ansalato aad isku cunto iyo jab yar oo rooti ah waaba intaas bariis iyo baasto hala iska ilaaliyo, Wabbillahi Tawfiiq.

WAXA QORAY: ABDIRAHMAN MAHAMED

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *