Madaxweynaha Somaliland Ayaa Tacsi U Diray Alle Ha unaxariite Xildhibaan Cali Aareeye Oo geeriyooday

0
Wednesday June 05, 2019 - 18:17:50 in Maqaallo by Abdikarim Saed Salah
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Ayaa Tacsi U Diray Alle Ha unaxariite Xildhibaan Cali Aareeye Oo geeriyooday

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka

TACSI MADAXWEYNE 05/06/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha wakiilada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ku geeriyooday dalka Turkiga Xalay oo ay taariikhdu tahay 05/06/2019.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, muddo dheerna u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaalna ka soo noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, 2005-kiina ku soo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid ahaa hadda, laguna xasuusan doono xildhibaanka waayo aragnimo, karti iyo aragtidiisa waddanimo.



Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Baarlamaanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip