Daawo: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

0
Friday April 12, 2019 - 14:58:20 in Wararka by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ambasador yamamato iyo Madaxweyne Biixi
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka dalalka Maraykanka iyo Somaliland iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee labada dal ka dhexeeya.

Arrimaha sida gaarka ah kulankan diiradda loogu saaray, ayaa waxa ugu waaweynaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan, sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo Dimuqraaddiyadda ka hano qaadday Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID.

Dhinaca madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip