Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Shaqadii Ka Joojisay Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Iyo Sababaha Keenay

0
Monday March 11, 2019 - 20:31:01 in Wararka by Wakiilka Ceerigaabo
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Oo Shaqadii Ka Joojisay Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Iyo Sababaha Keenay

    Hargaysa( Horseednews)Wararka ay Helayso Warbaahinta Ayaa Xaqiijinaya in Saaka Aroornimadii Si Rasmi ah Shaqadii looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada,Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa( Horseednews)Wararka ay Helayso Warbaahinta Ayaa Xaqiijinaya in Saaka Aroornimadii Si Rasmi ah Shaqadii looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada,Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase

 

 

Hargaysa( Horseednews)Wararka ay Helayso Warbaahinta Ayaa Xaqiijinaya in Saaka Aroornimadii Si Rasmi ah Shaqadii looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaarada Shaqada,Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase

Wasiirka Wasaarada Shaqada Marwo Hinda Gaani Ayaa saaka Amar kasoo saartay Inaanu Shaqayn Karin Agaasime Ilkacase lamana Oga ilaa Hada Waxyaabaha Sababay Khilaafka iyo Shaqo Joojinta Agaasimaha Xili ay Jiraan Cabashooyin kala Danbeeyey oo Wasiirka La gaadhsiiyay isla markaana ay u gudbiyeen Shaqaale Kala duwan oo Ka cawday Agaasimaha guud oo ay ku eedeeyeen Inuu Isku Cuno Duubay Mushaharkii ay xaqa u lahaayeen Waxaana Qaar ka mid ah shaqaalahaasi oo Nala hadlay yidhaahdeen Sidan,

" Meesha Wuxuu Ka Dhigay Xafiis Shirkadeed oo uu leeyahay miyaanay Waali Ahayn inuu Nagu yidhaahdo 6 Maalmood Baad Mushaharkaagiiba Leedahay ,Dawlad ayaanu u shaqaynaaye Shirkad ganacsi kama Shaqayno,Lacagaha Mushaharkayaga ee uu Naga goostayna Jajaban Ayuu Agaasimuhu Ku Quudiyaa oo Maalin kasta isaga Hor dhooban Xafiiskiisa,Waana Ninkii ka danbeeyey in la xidhxidho Derbijiif masaakiin ah oo Aan hargaysa Ku Haysan Hu Iyo Hoy,Fajidaasna Wasiirka ayuu La doonayay inuu u dhigo balse Wasiirku Waa tii ka dedaashay ee Soo Daysay Derbijiifkaas,Iminkana Waanu soo Dhoweynaynaa in shaqada laga Joojiyo Welibana waxaanu leenahay Madaxweyne Naga Soo Bedel Ninkan oo Xubin Shacabka u Adeegta Noo Keen " Ayuu yidhi Mid ka mid ah Shaqaalaha Oo ka gaabsaday inuu Magaciisa Na Siiyo " .

Dhinaca kale Waxaa Ay Shaqaalaha Wasaaradaasi Noo Tibaaxeen in Khilaaf badan oo Wasaarada kusoo Noqnoqday uu Masuuliyadiisa leeyahay Agaasime Ilkacase waxaana Ay Ka dhawaajiyeen In Mudoba Ay Wasiir Hinda Gaani Dulqaadanaysay Isla markaana Ay Isha ka Eegaysay,taasoo Ay Gaadhay inay Shaqada Wasaaradaba Faraha Uga Qaado Xubintan Balse ay iminka U Adkaysan Kari Wayday Waxyaabaha uu ku dhaqmaayo.

Ugu Danbayn maaha markii Ugu Horaysay ee Khilaaf Noocan Oo kale ahi Soo kala Dhex Galo Wasiir Iyo Agaasime Ka Tirsan Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Waxaana Loo badinayaa Xubnaha Is Khilaafa Masuuliyiintii uu Magcaabay Madaxweyne Muuse biixi Cabdi,iyagoo Ay ka horeeyeen Wasiirka Warfaafinta Iyo Agaasimihiisa Guud,Wasiirka Horumarinta Biyaha Iyo Agaasimihiisa Guud




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip