Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Muuse Biixi oo La Kulmay Ergayga uu Turkey-gu u Magacaabay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
Saturday February 09, 2019 - 17:17:51 in Wararka by Abdikarim Saed Salah
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Muuqaal: Madaxweynaha Muuse Biixi oo La Kulmay Ergayga uu Turkey-gu u Magacaabay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Soma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi iyo ergeyga turkiga
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

 

Sidoo kale, Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto dalalka Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.

 

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo ergaygu isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Turkiga iyo Somaliland iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip