Sawiro: Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay wefti Ka Socda Dalka Turkiga

0
Monday January 07, 2019 - 18:24:36 in Wararka by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay wefti Ka Socda Dalka Turkiga

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz

Taariikh: 07/01/2019

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

--

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip