Rasmi:Christian Pulisic ayaa ugu biiray Chelsea lacag gaareysa 57.6 milyan ginni oo uu kaga yimid Borussia Dortmund

0
Wednesday January 02, 2019 - 18:45:02 in Sports by Cabdisalam Siciid
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi:Christian Pulisic ayaa ugu biiray Chelsea lacag gaareysa 57.6 milyan ginni oo uu kaga yimid Borussia Dortmund

    London(Horseednews.com) Christian Pulisic ayaa ku biiray Chelsea isagoo kasoo dhaqaaqay Borussia Dortmund £ 57.6milyan laakiin waxaa uu si dhaqso ah amaah ugu soo laabanaya kooxda Jarmalka inta ka dhiman xilli ciyaareedkii 2018/19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(Horseednews.com) Christian Pulisic ayaa ku biiray Chelsea isagoo kasoo dhaqaaqay Borussia Dortmund £ 57.6milyan laakiin waxaa uu si dhaqso ah amaah ugu soo laabanaya kooxda Jarmalka inta ka dhiman xilli ciyaareedkii 2018/19.
20 jirkaan heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa noqonaya ciyaaryahanka labaad ee ugu qaalisan taariikhda Chelsea, ka dib Alvaro Morata.

"Xilliga xagaaga waxaan ku biirayaa Chelsea iyo tartan cusub, Premier League," ayuu yiri Pulisic, oo 114 kulan u saftay Dortmund tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda koowaad ee 2015.

Agaasimaha Chelsea ee Marina Granovskaia ayaa yidhi: "Waan ku faraxsanahay inaan la saxiixanay mid ka mid ah ciyaartoyda da'da yar ee ugu wanaagsan Yurub".


"Christian ayaa muujiyay tayadiisa intii lagu jiray xilli ciyaareed fantastik ah oo horyaalka Jarmalka ah iyo 20kulan oo uu saftay, waxaan aaminsanahay inuu heysto fursad uu ku noqon karo ciyaaryahan muhim ah oo Chelsea ah sannado badan oo soo socda.

"Waxaan rajeyneynaa inaan ku soo dhaweyneyno Stamford Bridge xagaaga, soo socda  waxaan u rajeyneynaa isaga iyo Dortmund i guulo  ​​inta ka dhiman xilli ciyaareedka."

Agaasimaha Isboortiga Dortmund Michael Zorc ayaa sheegay in madaxda Bundesliga isku dayeen inay ku qanciyaan Pulisic inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda ku ciyaarta Westfalenstadion, iyadoo qandaraaskiisii ​​hore uu dhacayo dhamaadka sannadka 2020.

"Marwalba waxa ay aheyd riyada Christian in uu ka ciyaaro Premier League" ayuu yiri Zorc. 

ugu danbayn qaar kamid ah taageerayaasha chelsea ayaa aaminsan in uu soo dhawaaday wakhtigii uu Edan hazard macasalaamayn lahaa qalcada Stamdford bridge   siday kuula muuqataa ?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip