Andres Ineista: Barcelona Way U Qalantaa Ku Guulaysiga Champions League 3-dan Koox Ayaana Kula Tartamaya Sanadkan.

0
Wednesday January 02, 2019 - 17:33:02 in Sports by Cabdisalam Siciid
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Andres Ineista: Barcelona Way U Qalantaa Ku Guulaysiga Champions League 3-dan Koox Ayaana Kula Tartamaya Sanadkan.

    MIYEY U QALANTAA BARCELONI KOOBKA CHAMPION LEAGUE? HALYEYGII KOOXDAASI EE ANDRES INIESTAAYAA KA JAWAABAYA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MIYEY U QALANTAA BARCELONI KOOBKA CHAMPION LEAGUE? HALYEYGII KOOXDAASI EE ANDRES INIESTAAYAA KA JAWAABAYA Barcelona (Horseednews.com)

Halyeeyga kooxda Barcelona iyo kooxda Vissel Kope ee Andres Inista ayaa ka hadlay saadaalintiisa kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Iniesta oo la hadlaya wargayska Sport ayaa yidhi” Barcelona waxa ay leedahay rabitaan weyn oo ay ku doonayso in ay xilli ciyaareedka ugu guulaysato tartanka champions League”.

"Waxa aan aaminsanahay in ay kooxda Barcelona u qalanto ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan waxana aan rajaynayaa in ay arimuhu ka duwanaadaan sidii xilli ciyaareedkii hore”.

"Waxa Waxa jirta kooxo kale oo awood leh oo ku guulaysan kara tartanka xilli ciyaareedkan waxana ay kala yihiin PSG, Man City iyo waliba kooxda xilli ciyaareedka cajiibka ah ee Liverpool”.

Kooxd.com ayaa xusaysa in uu Iniesta kooxda Barcelona kula guulaystay 4 champions League intii u dhexaysay 2002 ilaa 2018 oo uu joogay kooxda Barcelona



 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip