Miyey Ka Dhigan Tahay Inuu Old Trafford Kusoo Jeedo? Jawaabtii Uu Kalidou Koulibaly Siiyay Paul Pogba Oo Dab Kusii Shiday Wararka La Xiriirinaya Man United.

0
Wednesday January 02, 2019 - 17:08:37 in Sports by Cabdisalam Siciid
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyey Ka Dhigan Tahay Inuu Old Trafford Kusoo Jeedo? Jawaabtii Uu Kalidou Koulibaly Siiyay Paul Pogba Oo Dab Kusii Shiday Wararka La Xiriirinaya Man United.

    Miyey Ka Dhigan Tahay Inuu Old Trafford Kusoo Jeedo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyey Ka Dhigan Tahay Inuu Old Trafford Kusoo Jeedo?

Manchester (Horseednews.com)Daafaca reer Senegal Kalidou Koulibaly ayaa u mahad celiyay kubad sameeyaha Manchester United Paul Pogba kaas oo taageero u muujiyay kadib markii ay isbuucaan gudahiisa taageerayaasha Inter Milan ku cunsuriyeeyeen midabkiisa madow, sidoo kalana jawaabtii uu siiyay waxey inyar dab ku shiday wararka xiddigaan la xiriirinaya Red Devils.

Inter Milan ayaa labada kulan ee soo aadan ku ciyaari doonta garoon maran kadib markii ay si xun jamaahiirtooda ula dhaqmeen xiddiga Napoli, waxeyna ugu yeereen Daanyeer, mana ahan wax ku cusub ciida talyaaniga.

Pogba oo waqti qurux badan kusoo qaatay Juventus ayaa kadib guushii ay kooxdiisa ka gaartay Bournemouth fariin soo dhigay barta twitter-ka isagoo ugu dabaal dagaya guusha, sidoo kalana uu taageero ugu muujiyay saaxiibkiisa Kalidou Koulibaly.

"Shaqo fiican saaxiibayaal, hab qurux badan ayuu ku dhamaaday sanadka” ayuu Pogba ku bilaabay qoraalka uu soo dhigay Instagram-ka, sidoo kale wuxuu ku xaqiijiyay qoraalka inuu gacan gashigii uu xirnaa kulankii Bournemouth uu ku sharfay Koulibaly, wuxuuna sii raaciyay. "2019 ka hor imow cunsuriyadda”

Iyadoo ay taasi jirto, waxaa jawaab soo bixiyay Koulibaly kaas oo lala xiriirinayay mudooyinkii dambe inuu usoo guurayo Old Trafford, waxeyna noqotay jawaab xoogaa dab yar kusii shiday arrinta maadaama jamaahiirta ay hadalkiisa fasirkooda saarteen.

"Waad ku mahadsan tahay walaalkey taageeradaada, waan kugu hambalyeynayaa goolasha iyo guusha, dhawaan ayaan is arki doonaa walaal” ayuu soo qoray Kalidou Koulibaly”

Inkastoo hadalka uu dhinac walba u fasirmi karo, hadana jamaahiirta Manchester United ayaa isku qancinaya inuu xiddigaan kusoo jeedo Old Trafford.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip