Daawo Madaxweynaha Somaliland Oo shacbiga Ceerigaabo Kala Hadlay Fagaaraha Beerta Nuura

0
Monday November 26, 2018 - 15:50:26 in Wararka by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Madaxweynaha Somaliland Oo shacbiga Ceerigaabo Kala Hadlay Fagaaraha Beerta Nuura

    Ceerigaabo (Horseednews.com) Mawjado dadweyne ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Ceerigaabo (Horseednews.com) Mawjado dadweyne ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe safar shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad mahadnaq, waano iyo waxsheeg isugu jirta u jeediyey bulsho-weynta reer Ceerigaabo ee soo dhaweysay, ayaa ugu horrayn shacabka ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu soo dhaweyntan ku tilmaamay mid cadowga Somaliland ka nixinaysa, waxana uu yidhi, "Reer Ceerigaabow dhibtaas iyo hawshaas iyo soo jeedkaas waxad u gasheen qaran-nimada, madaxweynuhuna waa qof, laakiin sharaftii qaranka ayuu huwan yahay, taasaana soo dhaweyseen, taasina waxay muujinaysaa kalgacaylka aad u qabtaan qarankiinna iyo walaaltinimada aad u haysaan, dalkiisa iyo dadkiinna oo dhan, waxana aad muujiseen milgaha uu qarankiinnu idinku leeyahay, farriintiinnuna qaranka Somaliland oo dhanna way ka farxinaysaa, cadowga Somaliland oo dhanna way ka nixinaysaa.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in gobolka Sanaag yahay goob ay kasoo jeedaan ummad badan oo Afsoomaali ku hadashaa, isla markaana ay goob istaraatiiji ah ku taallo, isaga oo farriin nabadeed u diray bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka Sanaag,, "Sanaag waa meeshii laga soo farcamay, waana meel cid waliba deggen tahay, waxana ay noqonaysaa tii Soomaali oo dhan isku xidhaysay, ganacsi ahaan iyo dhaqan ahaanba, maanta farriintaydu waa nabad, waa walaaltinimo, waa horumar, waa wax-wada-qabsi iyo khilaafkeenna oo aynnu si salmi ah u xallino, dadka Ceerigaabo eedaynayana ee wax dheeraad ah baa ka jira lehna waa beentii, gobol walba khilaaf waa ka jira, gobol walbana qabaa’il wuu ku jiraa, wax u dheeraad ah oo Sanaag lagu canaanan karaana ma jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xusay in gobolka Sanaag uu yahay halkii Somaliland laga soo bilaabay, islamarkaana ay Somaliland muddadii ay jirto horumar badan samaysay, isaga oo farriin cadna u diray Soomaaliya, waxana uu yidhi, "Somaliland madax-dhaqameedku iyagaa Sanaag ka bilaaby, shirkii ugu horreeyey ee nabadaynta Somaliland ee 1991-kii, halkanaa (Sanaag) laga bilaabay ilaa iyo Boorama-na wuu socday, haddaannu Somaliland nahayna tani way dhisantay oo wax badan bay qabsatay, gudaheediina way hagaajisatay, inta ka dhimmanna way hagaajisanaysaa, qolada Koonfurta ee Talyaanigu gumaysan jireyna waxan leeyahay annagiina na dhibte oo maalin walba qas iyo dhibaato ayaad nala ag-joogtaan annaguna nabad iyo wanaag baannu wadnaa.”



Horseednews.com/Ceerigaabo
info@horseednews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip