Daawo Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa

0
Thursday September 13, 2018 - 15:19:56 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa

    Hargeysa (Horseednews.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay aaska marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo kamid ahaa waxgaradkii waqtiga badan geliyey sidii ay Somaliland u horumari lahayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa (Horseednews.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay aaska marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo kamid ahaa waxgaradkii waqtiga badan geliyey sidii ay Somaliland u horumari lahayd.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan saraakiil katirsan goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxgarad, culimo, madax-dhaqameed iyo boqollaal katirsan shacabka reer Somaliland, ayaa salaadda Janaasadda aaska marxuum Jaamac Nuur Warfaa oo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga caasimadda Hargeysa ka qayb-galay, waxana si mug leh looga sheekeeyey doorkii shariifka ahaa ee uu marxuumku kaga jirey bulshada iyo sidii uu tusaalaha ugu ahaa wanaagga iyo wax-bixinta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu dhinaciisa ku dheeraaday sifooyinkii wanaagsanaa ee uu marxuum Jaamac Nuur Xasan caanka ku ahaa iyo sidii uu maalkiisa iyo maskaxdiisaba u geliyey horumarka bulshada reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Marxuum Jaamac Nuur waxa uu ahaa nin inta Bani’aadam wanaag leeyahay wanaag leh, haddii ay deeq tahay, haddii ay caddaalad tahay iyo haddii ay halgan tahayba, waxana uu ahaa dadka wanaaggooda la isku raacsan yahay, Baayac-mushtar buu soo bilaabay oo taajir weyn buu noqday, haddana wixiisii waxa uu ku bixiyey danta guud iyo halkii la yidhi dadka danta yar wax halla siiyo, illaa uu markii dambe noqday nin aan xoolo haynin oo wixiisii dadka u huray.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip