Madaxtooyada Oo Ka Hadashay xaflada Qalinjabinta Jaamacada Burco

0
Thursday September 06, 2018 - 20:11:26 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Oo Ka Hadashay xaflada Qalinjabinta Jaamacada Burco

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.
  •  

    Taariikh: 06/09/2018

    WAR-SAXAAFADEED

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.

    Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.

    Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa maalmo ka hor Waxaana masuuliyada qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

    Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland.

    Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen.

    ALLAA MAHAD LEH

    Maxamuud Warsame Jaamac

    Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip