Sawiro: Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo ku sugan Sucuudi arabiya Ayaa Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

0
Friday August 31, 2018 - 14:36:43 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo ku sugan Sucuudi arabiya Ayaa Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

    Hargeysa (Horseednews.com) Wefdiga uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaaKulan la qaatay madaxda iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland
Hargeysa (Horseednews.com) Wefdiga uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaaKulan la qaatay madaxda iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

iyo , waxaanay ka wada hadleen sidii looga midho dhalin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkii ganacsi ee soo jireenka ahaa loona xoojin lahaaisfahanka ganacsi ee labada shacbi ee ku kala dhaqan wadamadda Somaliland iyo Sucuudigaisla markaana guulo looga gaadhi lahaa xidhiidhka labada dal iyo xoojinta arrimaha ganacsi is weydaarsiga.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiinta rugta ganacsiga sucuudi arabiya ayaa lafo gurey hindisayaal lagu dardar galanayo ganacsiga xorta ah oo wax weyn ka taraya koboca dhaqaalaha bulshada.
waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ku marti-qaaday Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry dalka Somaliland inay yimaadaan iyagoo wata ganacsatada ugu waawayn sucuudiga iyo khaliijkaba inay booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland, iyagoo qiimayn ku samayn doona ganacsiga Somaliland, xoogana saari doona kobcinta iyo tayeynta
beeraha oo ay gacan ka geysan doonaan sidii Somaliland looga hirgelin lahaa timir tayo leh oo ka baxda Dalka Somaliland, sidoo kale waxa ay maalgelin ku samayn doonaan wax soo saarka iyo dhoofinta Kalluunka Somaliland, iyo iibka Xoolaha Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil waxaa kulankan ku wehelinayay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, siyaasi Maxamed Duur Carraale Nuur, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees

wafdigii uu hogaaminayeyMadaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici eegudashada waajibaadka xajka ku jooga dalka sucuudi arabiya ayaa guulo diblamaasiyadeed ka soo hooyay socdaalkoodan ka dib markii si meeqaamkeedu saraysa madaxda ugu sareysa dalka sucuudigu ay ku qaabileen wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Sidoo kale safarkan waxaa ku lamaanaa ibo furka xidhiidho cusub, kuwaas oo dhax mari doono bulshooyinka labaddaa dal ku kala dhaqan,
Wa-bilaahi Tawfiiq


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip