Dawladda Ingiriiska Oo Sharraxday Iskaashiga Ka Dhexeeya Somaliland

0
Saturday July 07, 2018 - 18:04:18 in by
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Sharraxday Iskaashiga Ka Dhexeeya Somaliland

    London(HN)Fadhigii Baarlamaanka Britainee khamiistii shalay ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanaWasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain,Penny Mordaunt,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(HN)Fadhigii Baarlamaanka Britainee khamiistii shalay ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanaWasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain,Penny Mordaunt,

Fadhigii Baarlamaanka Britainee khamiistii shalay ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanaWasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain,Penny Mordaunt, wax laga weydiiyey sababtaIngiriisku u taageeri waayey Somaliland oosaaxiibtinimo soojireen ahi ka dhexayso.

Siday baahisaywakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, XildhibaanBob Stewartoo ah Mudane laga soo doortodegmadaBeckenham oo ku taallakoonfur bari ee magaalada London, kana tirsan xisbiga Conservative Party,-ga, ayaasheegay inuuSomaliland indhihiisa ku soo arkay oo ay ahaan jirtay maxmiyadii Ingiriiska oo la odhan jiray "British Somaliland”, waxaanu weydiiyey wasiirka kaalmada dibadda BritainMrs.Penny Mordaunt, waxay u caawin waayeen Somaliland oo uu caddeeyey inay tahaysaaxiib weyn oo mar walba garab taagan Ingiriiska.

 

Wasiirka Kaalmada dibadda ee Britain, Penny Mordaunt, ayaa sheegtay inay xildhibaanka uga mahadcelinayso su’aasha uu weydiiyey ee ku wajahan Somaliland,waxaanay shaacisay inay Somaliland ka caawiyaandhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bini’aadanimoisla markaana wax kala qabtaandhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka mucaawimada dibadda UK, waxa kaloo ayintaas ku dartayinay dawladda Ingiriiskutaageerto Guddida doorashooyinka Somaliland si ay u hirgeliyaan hawlaha doorashooyinka.

XildhibaanBob Stewartoo ah mudane waayo arag ah, waxa uu ka mid yahay xildhibaannada Ingiriiska ee taageera ee sida dhow ula socda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu golaha Baarlamaanka UK ku jiray tan iyo 2010kii. Waxaanu hore uga tirsanaan jiray ciidammada millatariga Ingiriiska, waxaanu ka gaadhay derajadaKornayl.

Dawladda Ingiriisku waxay maalgelisay kor-joogtadii caalamiga ahayd ee ka qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay Bishii November ee sannadkii hore, waxaanay warbixintii kama dambaysta ahayd ee goobjoogeyaashii caalamka ka socdayka marag kaceen in si dimuqraadi ah oo xorah ay u dhacday doorashadaasi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip