Sawiro: Nuxurka Qodobbo Muhiim ah oo Lagaga Dooday Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta

0
Thursday June 28, 2018 - 16:10:00 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Nuxurka Qodobbo Muhiim ah oo Lagaga Dooday Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta

    Hargeysa (Horseednews.com) Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeeshaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Golaha Wasiirada JSL
Hargeysa (Horseednews.com) Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeeshaan,
War-saxaafadeed 28-06-2018

Nuxurka Qodobbo Muhiim ah oo Lagaga Dooday Shirkii Golaha  Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maanta
------------------------------------------------------------------------
 -Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland  yeeshaan, ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay, xarunta qasriga madaxtooyada qaranka Somaliland.

Shirkan oo maanta ka qabsoomay hoolka shirararka golaha wasiirrada ee xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa  guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyada oo uu madaxweyne-ku-xigeenkuna goob-joog ka ahaa, waxana  lagaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka qaranka, waxana warbixin dhinaca amniga ah lagaga dhegaystay wasaaradda arrimaha gudaha.

Arrimaha kale ee shirkan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa xaaladda xuduudaha bariga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo duullaanka lala dul-joogo shacabka deegaannadaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, waxana shirka lagu muujiyey sida ay Somaliland u danaynayso nabadda iyo deris-wanaagga.
Sidoo kale, waxa uu shirku caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda iyo difaaca dhulkeeda, marnabana aanay weerar ku ahayn xuduudo dal kale, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba   u xaqiijinayso  Muhiiimadda  nabadda iyo degenaanshaha.

ALLAA MAHAD LEH 
Maxamuud Warsame Jaamac.
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip