Munaasibad Loogu dabbaal-degayo Sanad-guurada 58-aad ee Kasoo 26-ka June Oo Lagu Qabtay Xarunta Madaxtooyada JSL

0
Tuesday June 26, 2018 - 18:45:33 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Loogu dabbaal-degayo Sanad-guurada 58-aad ee Kasoo 26-ka June Oo Lagu Qabtay Xarunta Madaxtooyada JSL

    Hargeysa (Horseednews.com) Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa (Horseednews.com) Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay 26-kii June 1960-kii oo ku beegan markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibaddan oo lagu qabtay barxadda qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa kasoo qayb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii dalka Soo maray Safiirrada waddamada, Itoobiya, Jabuuti iyo turkiga u fadhiya Somaliland, madax iyo diblomaasiyiin ka socota midowga reer Yurub Ingiriiska iyo qaramada midoobay, xubno kamid ah goleyaasha kala duwan ee qaranka, hoggaanka axsaabta qaranka, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintani leedahay iyo sida ay ugu weyn tahay guud ahaanba ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubno magac, miisaan iyo milgeba ku leh bulshada reer Somaliland oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Oday Maxamuud Aadan Dheri, marwo Adna Aadan Ismaaciil, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga UCID, Mudane Cabdinaasir Maxamuud Buun, Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganey) oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraadya heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, dhibaatooyinkii caddaalad-darradu hagaysay ee ku kallifay inay dib uga noqoto midnimadii ay Soomaaliya la gashay iyo horumarka ay ku tallaabsatay, waxaana ay si isku mid ah hoosta uga xarriiqeen inaanay cidina hor istaagi Karin guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ugu horrayn si xilkasnimo leh u caddeeyey inay xisbi ahaan garab taagan yihiin guulaha qaranku gaadhay, isla markaana ay hoggaanka dalka ku taageersan yihiin dedaallada ay ugu jiraan sidii isku duubnida bulshada iyo horumarka qaranka loo taabbo gelin lahaa, waxaana uu yidhi, "Maanta Somaliland dal loo baqo ma aha, dal haddii aanu mucaaridkii nahayna aanu leenahay dawlad baanu ka ilaalinaynaa ma ah, waanu sii dhisanaynaa kursigaanu sii dhisanaynaa waanu usoo soconaa, duruufo badan baana inagu xeeran, kaala mid baanu nahay tallaabooyinkii ay reebtay duufaantii, kaala mid baanu nahay in aafadaas ay reebtay wax laga qabto, kaala mid baanu nahay dagaalladaas sokeeye ee dalka ka socda sidii wax looga qaban lahaa, difaaca qarankana kaala mid baanu nahay.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa si gaar ah hadalkiisa diiradda ugu saaray gargarrada maamulka Muqdisho ka wado deegaannada Tukaraq ee bariga Somaliland, waxaana uu meesha ka saaray dedaallada ay hoggaanka Maamulka Muqdisho ku doonayaan inay ku dhistaan dalwad Isir ku dhisan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Dagaalka deegaanka Tukaraq ka socdaa isir ma ahee waa dagaal ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, dadkuna meelo ayey kala degaan, annaguna haddii aanu nahay beesha Laascaanood, Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, waxa aanu ka mid nahay Jamhuuradda Somaliland, qofkii ku hammiyaya Laascaanood baan imanayna candhuuftaada dib u liq.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa munaasibadda 26-ka June ka jeediyey, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda qaaliga ah ee ay xorriyaddooda heleen, isaga oo si gaar ah hambalyo ugu diray ciidamada qalabka sida ee difaaca qaranka heeganka ugu jira, waxaana uu yidhi,"Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaanba shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba meel ay joogaan, waxaana aan ku hambalyeynayaa sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay waqtigii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, waqtigaas oo ay Somaliland aqoonsadeen dalal badan oo adduunka ah. Waxan si gaar ah u bogaadinayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee jiidda hore ee ku jira difaaca ay qaranka Somaliland cadowga kaga ilaalinanayaan, waxaana aynu u ducaynaynaa kuwa ku dhaawacmay, waxaana aynu murugada la qaybsanaynaa agoomihii iyo Ooriyihii ay ka baxeen kuwii qaranka labadii toddobaad ee uu ugu dambeeyey ee uu cadowgu dalka soo weerarayey.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale si faah-faahsan uga hadlay, muhiimadda ay maalinta 26-ka June leedahay iyo sidii ay ku timi midnimadii ay Somaliland la gashay Soomaaliya, isaga oo jawaabu diray maamulka Muqdisho, "Somaliland waxa ay ahayd maxmiyaddii Ingiriiska oo 26-kii June 1960-kii xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska, 27-kii June 1960-kii, Baarlamaankii Somaliland dood buu galay, waxaana ay soo jeediyeen in shuruud la’aan lagu raaco Soomaaliya oo markaa aan xorriyad qaadanin oo ahayd qayb jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa xukunto, dooddaas markii laga dooday qolo waxa ay tidhi aynu dib u dhigno ay kamid ahaayeen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Garaad Cali Garaad Jaamac, waana halka ay kusoo baxday eraygii ahaa LAA YAA GARAAD, kalgacayl Soomaaliyeed bay ahayd iyo inay Soomaaliyi midowdo, sidaas ayeynu ku yidhaahdeen wax walba walaaltinimada ayaa ka weyn oo iyaguna (Soomaaliya) aanay waxba u hambaynin, ayey dhammaanba qarannimadii isku rareen, wixii ka dhacay baana ka dhacay oo soddon sano oo colaad iyo dagaal jirey ayey Somalilandqarannimadeedii xoog dib ugula soo noqotay, markii ay Somaliland ay xorriyaddeeda lasoo noqotay 1991-kii, 28-sano oo ka dambeeyeyna waxa ay inagula jireen dagaal iyo cuno-qabatayn oo ay ugu dambaysay taas maanta socota oo ah weerar colaadeed oo aan kala hadh lahayn iyo inay weliba waxa Somaliland lagu caawinayo ay caalamka ku yidhaahdaan lama caawin karo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu intaas ku daray,

"Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo gacan-yarihiisa oo ah madaxweynaha gobolka Puntland waxa ay ku doodayaan ma oggolin xuduudihii Ingiriisku ka tegay ee caalamku oggol yahay ee Afirka dawladaheeda oo dhammi ku dhisan yihiinewaxa aanu ku dagallamaynaa oo aanu doonaynaa dal isir ah, waxaana isukay qaban waayey haddii Afrika isir isir dal loogu sameeyo oo xuduudihii isticmaarka laga guuro, geeska Afrika sida uu noqon doono iyo sawirka ay arkayaan, waxayse noqon doontaa qalalaase horleh iyo dagaallo sokeeye oo aan waligood laga bixin.”

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay shirka deegaanka Gacan-libaax ee gobolka Saaxil uga socda mid kamid ah beelaha dega Somaliland, waxaana uu tilmaamay in wanaag iyo sii adkaynta nabaddu tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkaas laga filayo, waxana isaga oo arrimahas ka hadlaya uu yidhi, "Waxa aan idiin sheegayaa shirka ka socda Gacan-libaax, waxaaan ummadda u sheegayaa inuu kusoo gebo-geboobi doono dhawaan insha Allah waxa ay Somaliland ku faraxdo, waxan idiin sheegayaa anigu shirkaas ma joogo, ajandihiisana kama aan qayb-gelin, laakiin kor waayeel waa indho’e ummadda halkaas (shirka) isugu tagtay Somaliland cidina ugama lexejeclo badan, cidina uma halgan badnayn, cidina mustaqbalkooda kama jecla, sidaas darteed waxan ogahay inay kasoo bixi doonaan Somaliland wax ay ku faraxdo oo ah midnimada Somaliland iyo qarannimada Somaliland waa muqaddas, dawladda hala wada lahaado, wixii lagu kala cabanayona hallaga wada hadlo, kuna abshira, wax belaayo iyo colaad ah oo kasoo baxaysaana ma jirto.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan furmi doono shirweyne lagu soo af-jarayo colaadda u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn, kaas oo qaranku xoogga saari doono sidii ay dareennada colaadda xambaarsani meesha uga bixi lahaayeen,"shirka labaad ee ina sugayaa waa ka Ceel-afweyn, waxa loo amba bixi doonaa bisha toddobaad (July) kowdeeda, Somaliland oo dhan baa tegaysa, insha Allahna muddo kooban marka la fadhiyo waxa kasoo bixi doonta dadkii is dilay oo walaalooba, khilaafka dhexdooda ah oo aynu xallino oo aynu kusoo midowno, waayo 27-kaa sanadood dhibaatooyin, dagaallo iyo khilaafyo ka waaweyn baa ina soo maray, dhammaantoodna sidaas baynu ku xallinay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi,waxa uu bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyey si rasmi ah u bilaabmi doonaan dhammaanba qodobbadii muhiimka ahaa ee ku jirey heshiiska ay xukuumadda Jamhuuriyaddu la gashay shirkada DP World oo ay kamid yihiin ballaadhinta dekedda Berbera, hirgelinta suuqa xorta ah ee Berbera (Free Zone) iyo bilowga waddada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor, waxaana uu bulshada ku war geliyey inay tallaabooyinkaas horumarka leh ku bushaaraystaan.

Ugu dambayntii waxa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka qarankuba ay halkaas salaan ku siiyeen Calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay qaadatay 1960-kii.

Wa-bilaahi Tawfiiq



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip