Goolhaye jillay in uu dhaawacmay si uu u afuro

0
Monday June 04, 2018 - 19:07:17 in Wararka by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhaye jillay in uu dhaawacmay si uu u afuro

    Hargeysa (Horseednews.com) Kooxda dalka Tunisia ee ka qayb galaysa koobka kubadda cagta aduunka ayaa helay qaab xariifnimo ah oo ay kula dagaalami karaan oonka bisha barakaysan ee Ramadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Horseednews.com) Kooxda dalka Tunisia ee ka qayb galaysa koobka kubadda cagta aduunka ayaa helay qaab xariifnimo ah oo ay kula dagaalami karaan oonka bisha barakaysan ee Ramadan.

Ciyaar saaxibtinimo oo ay kooxda Tunisia la lahaayeen dalka Burtaqiiska ka dibna Turkiga, ayaa goolhaye Mouez Hassen la arkayay isaga oo iska dhigaya in uu dhaawac soo gaaray markii uu gabbalka dhacay oo la gaaray afurka.

Isaga oo dhulka jiifa islamarkana ay kooxda gurmadka degdega ee caafimaadka ay doonayaan in ay daaweeyaan ayaa waxaa soo orday ciyaaryahanada kooxdiisa oo siiyay timir iyo biyo uu ku afuro.

Wax yar ka dib natiijadii ciyaarta ayaa soo baxday.

Ciyaarta ayaa maraysay 2 gool oo Burtaqiiska ay lahaayeen iyo 1 gool oo Tunisia ah,balse saddex daqiiqo ka dib dhaawcii Xassen ee Jiliinka ahaa ayaa goolka barbaaraha ay dhaliyeen kooxda Tunisia.

Maalmo ka dib ciyaar ay Tunisia la dheelayeen Turkiga, ayaa Xasen mar kale uu joojiyay ciyaarta isaga oo dhabar-dhabar isu tuuray.

Mar kale ayaa kooxdiisa ay cuneen timir iyo biyo ay u keeniin tababarayaasha iyo shaqaalaha.

Ciyaartaasi ayaa sidoo kale ku dhamaatay 2-2.

Arrintani ayaa noqotay mid ay dad badan hadal hayaan.

Waqtiga uu goolhayahan is tuurayo aayaa ku beegan marka ay ciyaarta marayso daqiiqadaha 58 iyo 49 markaasi oo ku beegan xilliga afurka.

Ilaa iyo imika Xassen ama kooxda kubadda cagta ee Tunisia kama aysan hadlin farsamadan cusub ee uu la yimid goolhayahan.

 

 

 

 

Mouez Hassen oo ah goolhayaha kooxda Tunisia oo dhulka yaalla



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip