Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Hay'ada Kaalmada U Qaabilsan Ingiriiska

0
Monday May 28, 2018 - 19:05:11 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Hay'ada Kaalmada U Qaabilsan Ingiriiska

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socdahay'adda ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibada ee DFID oo uu hoggaaminayey madaxa hay'addaasi Mr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socdahay'adda ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibada ee DFID oo uu hoggaaminayey madaxa hay'addaasi Mr. Phil Evans.

Taariikh: 28/05/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socdahay’adda ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibada ee DFID oo uu hoggaaminayey madaxa hay’addaasi Mr. Phil Evans.

 

Kulankandhexmaray madaxweynaha iyo madaxda ha'yada waxaa laga wada xaajoodey gurmadka iyo gargaarka duufanadii ku dhuftey xeebaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka, wakiilada iyo deegaamada, kobcinta waxsoosarka, kor u qaadista dakhliga dalka, taageerada dhamaystirka xeerarka, iyo horumarinta shaqo abuurka dhalinyarada.

 

Waxaana si qoto dheer labada dhinac u lafo gureen sidii loo sii horumarin lahaaxidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Hay’adda DIFD islamarkaana kaalmooyinka ay siiyaan dalalka geeska afrika, somaliland saamigeeda si toosa uga hesho kaalmadaa.

 

Dhinaca weftiga hay’adda DFID ee dalka Ingriiska u qaabilsan horumarinta calamiga ah oo uu u hadlayey madaxa hay’adda phil Evans ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar ula yihiin Somaliland inay ka taageeraan arrimaha ay ka mid ka yihiin gurmadka dadkii duufaantu ku dhufatay ee xeebaha Somaliland,iyo qodobada kale ee laga wada hadlay, siina xoojinayaan taageerada ay Somaliland ka siin jireen arrimaha doorashooyinka ayna ka go’an tahay inay gacan ka geystaandoorashooyinka 2019 dalka ka dhici doona.

 

 

Kulankaas oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Syalici), wasiiradda wasaaraddaha Arrimaha dibeda iyo Macdanta iyo tamarta, Mudane Sacad Cali Shire iyo Mudane Jaamac Maxauud Cigaal.

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip