Midkamida Dekedaha Waaweyn Ee Soomaalida Oo Xoog Looga Dhoofinayo Dhuxusha+Akhri

0
Wednesday February 14, 2018 - 15:53:18 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midkamida Dekedaha Waaweyn Ee Soomaalida Oo Xoog Looga Dhoofinayo Dhuxusha+Akhri

    Hargaysa{Horseednews}Laga soo bilaabo Sabtidii aynu soo dhaafnay Warbaahinta Online -ka ayaa lagu arkayay muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhoofinta dhuxusha oo siweyn uga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa{Horseednews}Laga soo bilaabo Sabtidii aynu soo dhaafnay Warbaahinta Online -ka ayaa lagu arkayay muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhoofinta dhuxusha oo siweyn uga

 socta dekedda magaalada Kismaayo.

Dhuxul sidii buuraha u sameysan iyo Doomo u dhoofinaya dhinaca Bariga dhexe ayaa lagu arkaa dekedda, waxaana wararku sheegayaan in dhuxushan inteeda badan loo kala dirayo ama loo dhoofinayo dalal ay ka mid yihiin Oman, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Gaar ahaan xiliyadii habeenkii ayaa la sheegayaa in si qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusha dekedda sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanado ka hor mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta.

Dowladda Federaalka oo horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista Dhirta ayaa wali ka hadlin arintan.

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysan eedeymo sheegaya in ay ku lug leedahay dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo, waxaase hadda soo baxaya tuhun la xiriira in ay askartooda qeyb weyn ka yihiin muuqaaladan la soo tabanayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip