Degdeg madaxweynaha Somaliland Oo magaabay Masuuliyiin Cusub Waa Kuwama Akhri

0
Monday January 29, 2018 - 14:32:41 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degdeg madaxweynaha Somaliland Oo magaabay Masuuliyiin Cusub Waa Kuwama Akhri

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul. WAR-SAXAAFADEED:29/01/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

4. Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal

5. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd

7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar

8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal

9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha

10. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada

11. Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka


Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip