Kuuriyada Waqooyi Iyo Kuuriyada Koonfureed Oo Ka Wada Hadlay Ciyaaraha Olimbigga+Akhri

0
Tuesday January 09, 2018 - 15:32:34 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Iyo Kuuriyada Koonfureed Oo Ka Wada Hadlay Ciyaaraha Olimbigga+Akhri

    Hargaysa{Horseednews}Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa{Horseednews}Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa billaabay wadahadallo heer sare ah, kaas oo noqonaya midkii koobaad ee ay dalalkaasi

yeeshaan muddo labo sano ah.

Kulankan ayaa billawday 10:00 saacada deegaankaas wuxuuna ka dhacay Guriga Nabadda ee ku yaalla tuulada wada xaajoodka ee Panmunjom.

Wadahadalladan ayaa diiradda saari doona macquulnimada sidii Kuuriyada Waqooyi ay uga qaybqaadan lahayd ciyaaraha Olimbigga ee xilaga qaboobaha ee 2018ka, kaas oo bisha labaad ka dhici doona Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in ay soo hadal qaadi doonto sidii calaaqaadka labada dal loo hagaajin lahaa.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay joojisay barnaamij dhaqaale oo labada dal iska kaashanayeen, arrintaasina waxay timid ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay madaafiic iyo Nukliyeer.

Dhacdadaas ayaa keentay in Kuuriyada Waqooyina ay jarto xiriirkii isgaarsiineed ee kala dhexeeyay Kuuriyada Koonfureed.

Bishii Diseembar ee 2015kii ayaa ugu dambaysay wadahadal heer sare ah oo ay labada dal yeeshaan.

Xiisadda labada dal u dhaxaysana cirka ayay isku sii shareertay muddo sannado ah iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo hormarinta barnaamijyadeeda hubka ee la mamnuucay.

BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip