Madaxweynaha Somaliland 15 April U Qoondeeyey Maalinta Dhirta Somaliland La Xusayo

0
Tuesday April 10, 2018 - 16:36:00 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland 15 April U Qoondeeyey Maalinta Dhirta Somaliland La Xusayo

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

WAR-SAXAAFADEED: 10/04/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:
Wareegto Madaxweyne

Maalinta Dhirta Somaliland

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, 34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Dersay: Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;

Markaan Arkay: In Dabar-goyn iyo xaalufin ba'an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;

Waxaan Go’aamiyey;

In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay'adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.

In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.
In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip