Ruushka oo ku hanjabay in Maraykanku ka shalayn doono cunaqabataynta uu kusoo rogay

0
Saturday April 07, 2018 - 10:42:23 in by Abdisalan Salah
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo ku hanjabay in Maraykanku ka shalayn doono cunaqabataynta uu kusoo rogay

    Moscow (Horseednews.com) Xukuumada Ruushka ayaa sheegtay inay qaadi doonaan talaabooyin adag oo jawaab u ah cunaqabataynta uu saaray Maraykanku.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moscow (Horseednews.com) Xukuumada Ruushka ayaa sheegtay inay qaadi doonaan talaabooyin adag oo jawaab u ah cunaqabataynta uu saaray Maraykanku. Maraykanka ayaa cunaqabatayn saaray shakhsiyaad badan oo aad ugu dhaw Madaxweyne Putin, waxa kamid ah mid ka mida ilaaladiisa gaarka, inan u sodog u yahay iyo waliba dadyaw kale. Cunaqabataynta ayaa beegsatay shirkaddo ay leeyiin shakhsiyaadkasi iyo waliba hantidooda taala Maraykanka oo la sheegay in la xayiri karo. Xukuumadda  Ruushka ayaa sheegtay in dalkoodu aanu waxba u noqon doonin iskuday kasta oo la doonayo in Wadankooda lagaga weeciyo jidka uu ku socdo. Hore waxa cunaqabatayno is dhaafsaday Ingiriiska iyo Ruushka, iyadoo Ingiriisku ku eedeeyay Ruushka inuu soo maleegay dil lagula kacay basaas ruush ahaa oo magangalyo ugu noolaa Wadanka Ingiriiska, balse Ruushka ayaa beeniyey eedaymahaasi. 23 dublamaasi oo ruush ahaa ayaa loo qabtay 24 saacadood inay kaga baxaan Ingiriiska, halka Rushkuna tira intaa leeg amray inay ka baxaan dalkiisa, isagoo waliba ku hanjabay inuu albaabada u laabi doono safaarada Ingiriiska ee ku taala Magaalada Saint Petersbuerg.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip