Madaxweyne Biixi oo sheegay in Xukuumadii hore ay diiday dalab uga yimi Turkiga oo ku saabsanaa Dhisitaanka Madaarka Cigaal
- Visits: 72
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MD Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dawladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay ka diiday Turkiga dalab la xidhiidhay dhisitaanka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal. Madaxweyne Biixi ayaa hadalkaa u sheegay Wargeyska Arab News. Madaxweyne Biixi ayaa sababta diidmada Xukuumaddii hore ku sababeeyay galaangalka uu Turkigu ku leeyay Muqdisho, isagoo bu yidhi si lid ku ah Somaliland u taageera Soomaaliya. Safiirka Imaaraadka ee Somaliland Baashe Cawil ayaa isna sheegay in sidoo kale Xukuumaddii hore diiday dalab uga yimi Wadanka Iiraan oo la xidhiidhay isticmaalka dekedda Berbera. Wuxuuna sheegay in Dawladda Iiraan ay u soo dirtay Somaliland Gudoomiye ku xigeenka rugteeda ganacsiga Reza Karbazi balse laga diiday dalabkasi.
Madaxweyne Biixi oo sheegay in Xukuumadii hore ay diiday dalab uga yimi Turkiga oo ku saabsanaa Dhisitaanka Madaarka Cigaal
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MD Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dawladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay ka diiday Turkiga dalab la xidhiidhay dhisitaanka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.