Sawiro: Madaxweynaha Somaliland Oo Iskugu yeedhay Golayaasha Sharci Dejinta Iyo Labada Xisbi Qaran

0
Tuesday March 13, 2018 - 14:12:28 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Madaxweynaha Somaliland Oo Iskugu yeedhay Golayaasha Sharci Dejinta Iyo Labada Xisbi Qaran

    Hargaysa {Horseednews} Madaxweynaha Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, WakiiladaIyo Axsaabta Qaranka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa {Horseednews} Madaxweynaha Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, WakiiladaIyo Axsaabta Qaranka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCIDiyo WADDANI,Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip