Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Aas qaran oo Loo Sameeyey Marxuum General Cismaan Dacas oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
Saturday March 10, 2018 - 16:49:07 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Aas qaran oo Loo Sameeyey Marxuum General Cismaan Dacas oo Hargeysa Ku Geeriyooday

    Hargeysa-10.03.2018-SABTI-(Horseednews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galayJanaasadda marxuum General Cismaan Cawad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-10.03.2018-SABTI-(Horseednews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galayJanaasadda marxuum General Cismaan Cawad

Xaashi (Cismaan Dacas)oo ka tirsanaa saraakiishii salka u dhigay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xilal kala duwanna kasoo qabtay ciidanka oo maanta lagu aasay xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadallo kooban oo ka jeediyey goobta aaska, waxa uu kaga sheekeeyey doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu marxuumku ku lahaa aas-aaska ciidamada qaranka iyo sidii uu naftiisa ugu huray inay Somaliland yeelato ciidan taabbo-gal ah oo difaaca, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Marxuumku ilaa maalintiiuu ciidanka galay ilaa maanta oo uu geeriyooday nin ciidanka u shaqeeya ayuu ahaa, halgankii SNM-na ciidamada Bariga ayuu haysan jirey, markii dalka lasoo galayna ciidanka qaranka raggii aas-aasayee ciidanka qaranka Somaliland salka u dhigay buu ahaa, taliyihii labaad ayuuna ahaa, in muddo ah wuu xanuunsanayey, intii uu noolaana dadkii qarankan noloshooda u huray, ayuu ahaa.”

 

Madaxweynuhu waxa uumarxuumka eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku macsuumo, ehellada, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland-na samir iyo Iimaan degdeg ah ka siiyo.


Image may contain: 2 people, people standing, sky, shoes, outdoor and nature

Image may contain: 7 people, people standing

Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people standing


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip