Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World

0
Friday March 09, 2018 - 13:25:13 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Carabta oo ka hadashay khilaafka dowladda federaalka iyo shirkadda DP World

    Hargaysa{Horseednews}Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa{Horseednews}Iyadoo uu soo ifbaxayo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladdaha Soomaaliya iyo shirkadda DP World ayeey dowladda Soomaaliya waxaa ay qoraal Ashtako ah

 dirtay Ururka Jaamacada Carabta.

Dowlada federaalka ayaa ayaak u tilmaamtay heshiiskii dhawaan lagu qeybsaday saamiga dekedda Berbera mid sharci darro ah oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa iyo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.

Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya.

"Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in uu sii wadayo taageerada uu siiyo heyadaha dastruuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Nabadgelyada iyo dib u dhiska dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip