Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Farsamo yaqaan ka tirsanaa warbaahinta qaranka oo geeriyooday+Akhri

0
Tuesday February 13, 2018 - 15:03:47 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Farsamo yaqaan ka tirsanaa warbaahinta qaranka oo geeriyooday+Akhri

    Hargaysa{Horseednews}TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa{Horseednews}TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uutacsi u dirayaa, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Eng Xasan Jaamac Caabioo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/02/2018, magaalada Hargeysa.

 

Marxuumka Oo ahaa farsamo yaqaan iyo tafatire 30 kii sanno ee u danbeeyay ka soo shaqeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, gaar ahaan idaacada Radio Hargeysa kana midka ahaa rukumada idaacada Radio Hargeysa ka hawl-gala, kaalin weyna ku lahaa isbadaladii koboca warbaahineed ee Radio Hargeysa iyo ta dalkuba ku tallaabsatey wakhtiyadii kala danbeeyay, isagoo marxuunku ka tirsanaa odayaashii gacanta weyn ka geystay kana shaqeeyay horumarinta saxaafadda Somaliland, kuna sifeysnaa dulqaad, hawlkarinimo iyo daacadnimo uu ku gudan jirey waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayay.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip