Alshabaab Oo Odayaal U Tababaraysa Toogashada Iyo Isticmaalka Hubka+Akhri

0
Friday February 09, 2018 - 15:45:45 in by Caydaruus Beershiya
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab Oo Odayaal U Tababaraysa Toogashada Iyo Isticmaalka Hubka+Akhri

    Hargaysa{Horseednews}Xarrakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen dagaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa{Horseednews}Xarrakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen dagaalka

 iyo habka wax loo toogto.

Odayaashan ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha Macalin Aadan ee Magaalada Jilib, waxaana ay ku tartamayaan Toogashada ama Shiishka iyaga oo wata qoriga AK-47.

Odayaashan oo da’dooda ay kala duwan tahay ayaa waxaa ay muddo tababar ku qaadanayeen magaalada Jilib, waxaana loo tababarayay toogashada.

Sawirro Al-shabaab ay oo dhiggeen Bogagga Internet-ka ayaa muujinayay Odayaal badan oo tartanka toogashada ka qayb qaadanaya, kuwaasi oo da’dooda ay kala duwan tahay.

Al-shabaab ayaa horay u tababaray, dhalinyaro, caruur iyo haween, haddana waxaana uu tababarkani noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay odayaashu ka qeybqaataan.

Magaalooyinka Al-shabaab ay ka maamulaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla xeryo kala duwan oo Al-shabaab ay ku tababaraan dad afkaartooda raacsan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip