Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada +sawiro

0
Monday January 15, 2018 - 19:25:06 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada +sawiro

    Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa (Horseednews.com) Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha
Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka Ah Iyo Qaybo Ka Mida Ururada Xirfadlayaasha 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu waheliyo Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta 15/01/2018 qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee  ka hawlgala Somaliland.

Kulankan, waxa  lagu  lafa guray sidii Ururada Bulshada rayidka ah iyo ururada xifadlayaashu ay u xoojin lahaayeen  wada shaqaynta ay la leeyihiin xukuumadda, isla markaana si wada jira loo taabo-galin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka xukuumadda, sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka foodda inagu soo haya ee Golaha wakiilada  iyo Goleyaasha deegaanka, dhiiri galinta ganacsatada gaar ahaan qaybaha gaarka loo leeyahay (Private sector) sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka. iyo in la xoojiyo wada shaqaynta xukuumadda iyo saxaafadda dalka,

Ururada Bulshada rayidka ah iyo ururada xirfadlayaashu waxay dhankooda muujiyeen dareenkooda ku aadan inay diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan ka midha dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda uu  gadhwadeenka ka yahay, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. 

Gebegebadii shirka Madaxwaynaha Somaliland ayaa  dhankiisa soo dhaweeyey kulanka, isagoo ku ammaanay Ururadda Bulshada Rayidka ah doorka ay ka qaataan horumarka dalka, Wuxuunna Madaxwaynuhu  hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in  la xoojiyo wada shaqaynta Ururada Bulshada iyo xukuumadda, dhankiisa uu diyaar u yahay inuu wax badan ka qabto tallo bixintaasi ay ugu yimaadeen ururada bulshadu.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip