Warbixin Jiidaali : Mawjadaha Taageerayaasha Xisbiga Midnimada iyo horumarka Somaliland we Kulmiye Oo Musharax Muuse Biixi Kuso Dhaweyey Deegaanka Jiidaale ee G. Sanaag

0
Wednesday August 16, 2017 - 16:49:07 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Jiidaali : Mawjadaha Taageerayaasha Xisbiga Midnimada iyo horumarka Somaliland we Kulmiye Oo Musharax Muuse Biixi Kuso Dhaweyey Deegaanka Jiidaale ee G. Sanaag

    Jiidaale ((Horseednews.com) Sawiro Mawjadaha Taageerayaasha Xisbiga Midnimada iyo horumarka Somaliland we Kulmiye Oo Musharax Muuse Biixi Kuso Dhaweyey Deegaanka Jiidaale ee G. Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaasha Musharax Muuse Biixi Cabdi
Jiidaale ((Horseednews.com) Sawiro Mawjadaha Taageerayaasha Xisbiga Midnimada iyo horumarka Somaliland we Kulmiye Oo Musharax Muuse Biixi Kuso Dhaweyey Deegaanka Jiidaale ee G. Sanaag
Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Soo Dhaweyn Indhaha Soo Jiidatay Loogu Sameeyey Deegaanka Jiidali
----------------------------------------------------
Jiidali (Horseednews.com) Murrashaxa xisbiga KULMIYE Md, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti xukuumadda iyo xisbiga katirsan oo uu hogaaminayo, ayaa si ballaadhan maanta loogu soo dhaweeyey deegaanka Jiidali oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka kooban wasiirro, xidhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin iyo xubno kale oo hawlo la xidhiidha wacyigelinta diiwaanta cod-bixiyayaasha, ayaa waxa goob fagaare ah ku qaabilay boqolaal katirsan shacabka ku dhaqan deegaanka Jiidaali oo ay hormood u yihiin maamulka xisbiga iyo xukuumadda ee deegaanka, kuwaas oo muujiyey taageerada buuxda ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa.
Cuqaal, waxgarad, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanka Jiidali oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa, iyaga oo shacabkana ku dhiirrigeliyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta oo qaadashadoodu halkaas ka socoto.
Xubno wasiirro ah oo weftiga kamid ah iyo maamulka gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna bulshada deegaanka uga mahadceliyey sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo sida aan qarsoodiga lahayn ee ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIIYE, ahna murrashax madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay dadweynaha deegaanka Jiidali, ayaa si xeeldheer uga sheekeeyey muhiimadda uu qaranka Somaliland u leeyahay deegaanka Jiidali iyo shakhsiyaadka waxtarka weyn ka geystay qaranka ee deegaankaas kasoo jeeda, kuwaas oo ay ay kamid ahaayeen Siyaasi Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo Yaasiin Xaaji Nuur.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip