Xisbiga kulmiye intu Somaliland ka dhisan yahay inuu qaranku hore u socdo Mooyaane dib u socod ka dheer!!!

0
Tuesday August 15, 2017 - 15:20:27 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga kulmiye intu Somaliland ka dhisan yahay inuu qaranku hore u socdo Mooyaane dib u socod ka dheer!!!

    Xisbiga kulmiye intu Somaliland ka dhisan yahay inuu qaranku hore u socdo Mooyaane dib u socod ka dheer!!! Abdisalam said sallah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga kulmiye intu Somaliland ka dhisan yahay inuu qaranku hore u socdo Mooyaane dib u socod ka dheer!!! Abdisalam said sallah

Xisbiga kulmiye intu Somaliland ka dhisan yahay inuu qaranku hore u socdo Mooyaane dib u socod ka dheer!!!
.......................

Xisbiga kulmiye waa xisbiga talada wadanka haya, laba doorasho oo hore oo "Consecutive" ahna ahaa mucaarad xoogan oo siyaasada somaliland dhadhan u yeelay. Xisbiga kulmiye waxa aasaasay madaxweynaha talada haya Mudane Ahmed "siilaanyo", isagoo musharax ahaan ku hogaamiyey laba doorasho oo heer madaxweyne ah, taas oo mid loogaga adkaaday 80 cod oo muran hadheeyay iyadoo mrkii hore natiijada horu dhaca ahaana uu ku hogaaminayey codad badan iyo doorashadii 2010 oo uu ku guulaystay codad dhan 49 boqolkiiba codadkii la dhiibtay. Kulmiye wuxuu somaliland ka qabtay waxyaabo aad u badan taas oo ku noqday xukuumadii ugu waxqabadka badnayd, xukuumadihii somaliland soo maray taasi oo aanu shaki ku jirin mucaarad iyo muxaafadna la wada ogsoonyay.

Maanta, kulmiye waxa uu gelayaa doorashadii sadexaad ee heer madaxweyne, laakiin musharax uma aha aasasihii xisbiga ahna madaxweynaha talada haya, waxase caynaanka u haya saaxiib dheer oo uu madaxweyne siilaanyo lahaa, marxalado badana ka lasoo dabaashay ilaa halgankii. Waa mujaahid muuse biixi cabdi, oo taariikh weyn ku leh qaranka ahaana xubin firfircoon oo kamid ahayd xoogagii xoraynta wadanka ee S.N.M. Muse biixi cabdi waa shakhsi aqoon ciidan iyo mid bulsheedba yaqaan, waa wadani dhab ah oo aan mustaqbalkiisii hore iyo wuxu maagan yahay mustaqbalka fog ama dhawba aanu shaki ku jirin, waxase uu waajahayaa siyaasiyiin somaliland xilal ka soo qabtay iyo qaar mucaaradnimo ku tafa xaytay. Waxaan u rajaynayaa mudane mujaahid muuse inuu majaraha u qabto qarankan, isagoo aragti ahaana ah shakhsiga ugu haboon xilkan.

Abdisalam said sallah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip