Daawo-Somaliland oo ka Digtay Ujeeddada Safar uu Madaxweyne Farmaajo Garoowe ku tagayo & Farogelin ay ka cabatay

0
Saturday July 15, 2017 - 23:21:47 in by Mahomed Aadan
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo-Somaliland oo ka Digtay Ujeeddada Safar uu Madaxweyne Farmaajo Garoowe ku tagayo & Farogelin ay ka cabatay

    Hargeysa(Horseednews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Safar la filayo in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ku yimaadda Caasimadda Maamulka Puntlad ee Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Horseednews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Safar la filayo in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ku yimaadda Caasimadda Maamulka Puntlad ee Garoowe

Hargeysa(Horseednews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Safar la filayo in Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ku yimaadda Caasimadda Maamulka Puntlad ee Garoowe uu qayb ka yahay Faro-gelin ay ku eedaysay inay Dawladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ku hayaan Dadka Somaliland iyo deegaannada Bariga gobollada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle oo ay Ciidammo Federaal ah oo Muqdisho la geeyo ka qoranayaan, sida ay Xukuumaddu ku doodday.

 

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA MAXAMED CABDILLAAHI FARMAAJO 2017

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Axmed Maxamuud Nuur oo Maanta Warbaahinta qaar kukla hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaanay Somaliland aqbali doonin faro-gelinta ay Soomaaliya ka waddo dhulkeeda, isla markaana waxa uu u diray Digniin ah in wixii ka dhasha farogelintaas ay Masuuliyaddooda qaadi doonto Dawladda Federaalka Soomaaliya, Caalamka iyo Dawladaha Jaarkana ay la socodsiinayaan digniintaas, isagoo ku hanjabay in la yaqaanno Ciidanka Somaliland.

Haddaba, Hadalka uu jeediyey Wasiir Ku-xigeenku arrimahaas uu farogelinta ugu yeedhay, eedaymaha caddaymaha uu u adeegsaday iyo Digniinta uu diray-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip