Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan Gabiley Waa Gobol uu jecel yahay, Gobolkani waxa uu ahaa kuwii laga taageeri jiray"

0
Saturday July 15, 2017 - 21:18:25 in by Mahomed Aadan
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan Gabiley Waa Gobol uu jecel yahay, Gobolkani waxa uu ahaa kuwii laga taageeri jiray"

    Gabiley(Horseednews)Gollaha deegaanka ee uu u horeeyo duqa magaaLlada Gabiley, waxaan ku hambalyeynaya maanta wadada aynu dhagax dhignay ee degmada Arabsiyo ee halka kiiloo mitir ah, iyo wadada Alaa-ibaday ee ay ka qayb qaadanayaan waanu ku bogaadina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley(Horseednews)Gollaha deegaanka ee uu u horeeyo duqa magaaLlada Gabiley, waxaan ku hambalyeynaya maanta wadada aynu dhagax dhignay ee degmada Arabsiyo ee halka kiiloo mitir ah, iyo wadada Alaa-ibaday ee ay ka qayb qaadanayaan waanu ku bogaadinaynaa.

Gabiley(Horseednews)Gollaha deegaanka ee uu u horeeyo duqa magaaLlada Gabiley, waxaan ku hambalyeynaya maanta wadada aynu dhagax dhignay ee degmada Arabsiyo ee halka kiiloo mitir ah, iyo wadada Alaa-ibaday ee ay ka qayb qaadanayaan waanu ku bogaadinaynaa.

Waxa aannu maanta halkan dhagax dhignay dhisme loo dhisayo qaybta booliska gobolkan, oo ay dhisayso Xukuumadda Somaliland. Dawladda hoose ee Gabiley maanta waxqabadkeedii wuu muuqdaa, maayarkan iyo kuwii ka horeeyeyba mudadii todobada sanno ahayd ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame wax qabad weyn ayey sameeyeen,waanay is badaleen, waxa dad badani si waydiiayaan maxay u qaban waayeen wakhtiyadii hore waxa ay hada qabteen, lacagahaasi waa kuwii ay awal hore cashuur ahaan u heli jireen iyo kabkii ay dawladdu siin jirtay.

Kaliya laba arrimood ayaa ku jira halkaa, oo xikmad ah labdaas ayaan hoosta ka xaqiirayaa, midi waxa weeye hami iyo himilo waxqabad ayaa Xukuumadani ay la timid, maadaama oo ay la timid oo Madaxweynaheedii kow ka yahay, Goleyaashii deegaankuna dawladii dhexe ayey himiladii kula shaqeeyeen, oo ay kula tartameen.

Laba meeshii wax qabasata waxa aannu anaguna xukuumad ahaan xooga saaray in aannu wax u qabano, waa ta sadexaade waxaanu ka daynay gacan togaalayski iyo shaxaadkii, waraaqihii gaarka ahaa ee Madaxtooyaddu ama wasaarada arrimaha guduhu soo qori jireen, ama Wasiiradii shaxaadi jiray, ayaannu dawladahii hoose ka daynay, lacagahooda siyaasada ma galino, waxaannu nidhaahnaa dalka ku dhisa, runtii intaas ayaa wax weyn abuurtay, markaa horumarkaas uu golaha deegaankan oo Maayar Amiin kow ka yahayba aad ayaanu u bogaadinaynaa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gobolkan gabiley waa gobol uu jecel yahay, gobolkani waxa uu ahaa goboladii laga taageeri jiray, isaga oo madaxweynuhu horumarka cadaalad ku saleeya, oo aan u eegin yaa kaa codeyey ama ku codeeyey oo ah astaamaha lagu karto hoggaamiyaha balaadhan, hadana wakhtigan oo doorasho loo dareedarayo, waxaanu xoog saarnaa, doorashada, dhaqaale badana yaa dawlada ku soo baxsada, dhaqaale darro ayaa dalkan ka jirta, hadii aan duruufahaasi iman taliska qaybta Gabilay wakhti hore ayaa la dhisi lahaa, hasayeeshee iyada oo duruufahaasi Xukuumadda la daris yihiin ayuu Madaxweynaha markii aan u sheegay arriman igu amray inaan fuliyo, jacaylka iyo niyad-sanida uu gobolkan u qabo darteed.

Alla mahad leh.

Image may contain: 6 peopleImage may contain: one or more people, sky, basketball court and outdoorImage may contain: 7 people, people standing, wedding, suit, sky and outdoorImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people standing and outdoorImage may contain: 8 people, people standing and suitImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 8 people, people standing and suitImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: one or more people, outdoor and natureImage may contain: one or more people, sky and outdoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip