Maxaad kala Socotaa Halkii ay Beesha Galbeedka Burco Iska Taagtay Doorashadii Madaxweyne Siilaanyo Ee 2003 iyo 2010?

0
Sunday July 09, 2017 - 01:19:51 in by Mahomed Aadan
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad kala Socotaa Halkii ay Beesha Galbeedka Burco Iska Taagtay Doorashadii Madaxweyne Siilaanyo Ee 2003 iyo 2010?

    Hargaysa (Horseednews.com) Gedgedoonka Siyaasadeed ee Somaliland ayaa la sheegaa inuu Soo Maray marxalado Kala gedisan oo Marba heer soo Taagnaa Balse iska Hor imaanaya Marka loo eego Xaalada Siyaasadeed ee Xiligan Gaar ahaana Waxaan soo qaadan Karna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (Horseednews.com) Gedgedoonka Siyaasadeed ee Somaliland ayaa la sheegaa inuu Soo Maray marxalado Kala gedisan oo Marba heer soo Taagnaa Balse iska Hor imaanaya Marka loo eego Xaalada Siyaasadeed ee Xiligan Gaar ahaana Waxaan soo qaadan Karna Xisbiga Waddani.

 

Hargaysa (Horseednews.com) Gedgedoonka Siyaasadeed ee Somaliland ayaa la sheegaa inuu Soo Maray marxalado Kala gedisan oo Marba heer soo Taagnaa Balse iska Hor imaanaya Marka loo eego Xaalada Siyaasadeed ee Xiligan Gaar ahaana Waxaan soo qaadan Karna Xisbiga Waddani.

Inkastoo Ay ninba Kartidiisu Meel Dhigtay Xisbi ahaan,Beel Ahaan iyo Taageero Laga Kala Kasbaday Shacab weynaha Somaliland Hadana Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu Ololaha ku jiray Sanadkii 2003 iyo 2010 waxaa la xasuustaa Beelo iyo Siyaasiyiin Si adag Uga Soo horjeeday Hanashada Hankiisa ee kursiga Madaxweynaha Somaliland oo aanay Jirin Xiliyadaasi Xisbi Kula loolami Karayay Marka loo eego Tartamayaashii Dhigiisa Ahaa.

Gole Kasta iyo Fagaarayaasha Taageerada Shacabka lagu Kala hororsanayo oo uu Soo Istaago Madaxweyne Siilaanyo Waxaa la wada Ogyahay In Goobaha Qaar Ay u Tiriyeen Gacmo Madhan iyadoo Meelaha Qaarna Loo Sii Raaciyay Hadalo u Muuqday Xiligaasi digasho iyo Deelqaaf.

Qormadeena ayaynu Ku Kala Qaadi Doonaa inagoo Hogo Tusaalayn Doona Siyaasiyiinta Madaxweyne Siilaanyo Dibin Daabyeeyey Iyo Beelihii Beesha Bariga Burco ku Wacad furay Kana horyimi Mowqifka Ay ku Wataan Siyaasigooda oo xiligaasi ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo.

Beesha Bariga Burco Iyo Beesha Galbeedka Burco

Inkastoo Aanay Siyaasadu Geed keliya Fadhiyin Hadana Beesha Galbeedka Burco oo waqtigaasi aan Haba Yaraatee Filayn in Ay jirto Waqti ay u baahan Doonto Taageerada Beesha Dhigeda ah ee Bariga Burco Ayaa Waxaa La wada ogsoon yahay in Madal loo wada dhamaa sanadkii 2003 ay Waxgaradka iyo qoorweynta Beesha Bariga Burco ugu Kolonyaysteen sidii ay Beesha ay Wada degaan Cod iyo taageero uga raadsan Lahaayeen maadaama uu u sharaxan yahay Gudoomiyihii xiligaasi ee xisbiga Kulmiye oo Ahaa Axmed Siilaanyo Taasi oo Markii danbe ay Keentay in Madashaasi Laga soo Wada Huleelo iyadoo ay Welibana dheer tahay Weji Gabax beeshu kala Kulantay Beesha Galbeedka Burco kadib markii Maahmaahyo iyo Hadalo aan Tudhaale Lahayn Loo Sii Raaciyay Ayna ka mid ahaayeen "Habarjeclo Fudayd waanu Ku Ogayn Balse Nacasnimo kumaanu Ogayn” iyagoo uga Jeeda Waxgaradka Beesha Galbeedka Burco "Habarjeclo ayaa Habaryoonis Cod iyo Taageero ka Doonaysa Waa Nacasnimo”

Siilaanyo iyo Ololihii 2010

Madaxweyne Siilaanyo oo Xiligii ka horeeyey Sanadkaasi uu Doorashada ku Guulaystay kadib markii uu Hadhay Xisbigiisu Sanadkii 2003 waxaa Xiliyadii uu Ololaha ku Jiray Dagaalkii ugu adkaa La Galay Wasiiradii beesha Galbeedka Burco ugu jiray Dawladii Daahir Riyaale Kaahin kuwaasi oo Aynu kasoo qaadan Karno Siciid Sulub,Xuseen Cali Ducaale Cawil,iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub Maxamed Ismaaciil Bulaale ee Geeriyooday kuwaasi oo Fagaarayaasha Ka Jeedin Jiray Khudbado Ay inta badan Aflagaadooyin iyo Masabid u Badan iyagoo Halhays u Lahaa (Riyaale Dhab Libaax Ayuu Ku Jiifaa)

 

Beesha Bariga Burco iyo Saleebaan Gaal

Inkastoo laga Wada Heshiiyay Wixii soo Kala Dhex maray Beelaha Somaliland Hadana Beesha Galbeedka Burco Weli Maysan Ilaawin Wixii Dhex Maray beesha Walaalaheeda ah waxaana taasi Marag ma doon u ah Ka dib markii Saleebaan Gaal oo Ka sharaxnaa Xisbigii uu aasaasay ee ASAD uu Doonay inuu Cod u doonto beesha Galbeedka Burco balse Nasiib daro ay kaga dhacday Arin Fajaciso ku noqotay oo Ahayd ka dib markii la geeyey Xabaalo ku yaala duleedka Deegaanka Oodweyne ee laga dalbaday inuu Garanayo iyo Inkale taasi oo uu Isaguna Halkaasi kusoo qaatay Heesta geela loogu heeso ee Ahayd”Usha Dhabarkiyo,Usha Dheegaba Anaa Kugu dhigay,Adaase I Dhibay,Waanse Kaa dhayi”

Hadaba Waxaa La is weydiinayaa Kala Duwanaanshaha Siyaasadeed ee Xisbiga Waddani iyo Waqtigii Kulmiye ee uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo waxaana Xusid Mudan in Cabdiraxmaan Cirro Sanadkii 2015 uu Soo Qaatay Hadal Ahaa KABAHA AYAAN AFKA KU QAADI xiligaasi oo loolan ka dhex Taagnaa Golaha Wakiilada Isla markaana uu Gudoomiyaha Waddani Sidii Suldaankii Habaryoonis Uu Habarjeclo Kabaha afka ugu Qaaday isna Maanta oo Kale ugu qaadayo

Kala Duwanaanshaha Duruufihii Siilaanyo Ololaha Ku Galay Iyo Doorka Hogaamiye Xirsi ee Xisbiga Waddani Waa Laba Aan Isku Dhoweyn

 

Horseednews Staff Writter

Lasoco Qaybta Labaad

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip