Wenger "oon akhrin doonin" buugga Mourinho

0
Friday September 23, 2016 - 22:50:35 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wenger "oon akhrin doonin" buugga Mourinho

    Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in hubaashii "uusan akhrin doonin" buug ay qoraaladiisa ka mid yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in hubaashii "uusan akhrin doonin" buug ay qoraaladiisa ka mid yihiin

hadallo laga soo xigtay ninka dhiggiisa ah ee maamula kooxda Manchester United, Jose Mourinho, oo leh" waxaan jabin doonaa wajiga ninka faransiiska ah."

Mourinho ayey si joogta ah isugu dhici jireen Wenger waqtigii uu tababari jiray kooxda Chelsea, isagoo mar Wenger ku tilmaamay in uu "ku takhasusay guulddarada".

Hadalkaasi ayuu Mourinho yiri kaddib markii ninka u dhashay Faransiiska uu sheegay in ay jiraan tababarayaal layliya kooxo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo fursadaha ay koobka ku qaadi karaan hoos u dhiga, cabsi ay ka qabaan inay guuldaraystaan awgeed.

Wenger ayaa markaa kaddib raali gelin ka bixiyay hadalkaasi, isagoo sheegay in aanay dhibaato shakhsiyadeed cidna kala dhaxeyn oo uu qadarin u hayo qofkasta oo ciyaaraha ku lug leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip