Portugal iyo Ronaldo oo ku guuleystay koobka kubada cagta Euro 2016-ka +Sawiro

0
Monday July 11, 2016 - 16:00:21 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Portugal iyo Ronaldo oo ku guuleystay koobka kubada cagta Euro 2016-ka +Sawiro

    Waxaa Xalay lasoo afjaray Finalka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016-ka waxaana caawa ay riyadiisa u rumoowday Cristiano Ranaldo oo koobkiisa labaad oo muhiim u ah uu sannadkaan kor u qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Xalay lasoo afjaray Finalka koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016-ka waxaana caawa ay riyadiisa u rumoowday Cristiano Ranaldo oo koobkiisa labaad oo muhiim u ah uu sannadkaan kor u qaaday.


 

Inkastoo Cristiano Ronaldo caawa garoonka bareele looga qaaday markii uu dhaawac jilibka uu soo gaaray ayaa misana xulkiisa ay ku guuleysteen Euro 2016-ka waana riyo run u noqotay.

 

Ciyaarta caawa ayaa ahayd mid Faransiiska uu aad ugu gacan sareeyey xulka Portugal inkastoo difaacyada iyo laacibiinta Portugal oo dhan ay aad u dadaaleen dhinacoodana dhulka lala heli waayey ayaa dhihi karnay caawa waa ay u qalmeen ineey koobka la hadaafaan.

 

Ciyaarta caawa waxay ahayd weerar tiro badan oo lagu qaaday goolka Portugal laakin inta badan difaacyadooda ayaa ahaa kuwo taxadar badan oo u kuuragalayey sida wax u scodeen.

 

Biloowgii ciyaarta ayaa Cristiano Ronaldo laga taqalusay oo dhaawac culus soo gaaray inkastoo uu isku dayey ama ku adkaysanayey inuu garoonka kusii dhexjiro laakin bareelo ayaa looga qaaday, sidii dhacday 1998-dii oo Ronaldo weyne oo Brazil u ciyaarayey sidaan oo kale finalkii loo dhaawacay.

 

Laakin Portugal waxay sii laba laabeen dagaalkii ay ku hanan lahaayeen koobka qaarada Yurub xulalkiisa loo dhigo, waxaana ay noqotay in Xulka Faransiiska uu ku guuldaraysto koobkaan loo saadaalinayey.

 

Gool iyo eber ayaa Faransa lagu qaarijiyey waxaana dhaliyey goolkaasi ninka Swansea u ciyaara ee waliba Flop-ka ahaa ee Eder oo gadaal laga soo galiyey laakin wax weyn buu ka badalay wuxuuna ku ganay kubad sida gantaalka camal u socotay, waxayna gooolkiisa noqday mid ay Portugal ku hantaan koobka Euro 2016-ka.

 

Ronaldo ayaa koobka kor u qaaday ka gadaal markii si fiican loo soo daaweeyey ciyaartana yimi markii 90-kii daqiiqo ay dhamaatay oo lagu daray 30-ka daqiiqo wuxuuna halkaasi kasii waday inuu noqdo tababaraha labaad ee Portugal.

 

Si kastaba ha ahaatee Portugal ayaa noqotay wadankii ugu horeeyey ee kaalinta sedexaad kusoo baxa misana koobkaan ku guuleysta. Hambalyo ayaanu leenahay Portugal, inta taageerta iyo waliba Cristiano Ronaldo iyo taageerayaashiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip