Liverpool oo gaartay finaalka Europa Lana Ciyaaraysa Savile

0
Friday May 06, 2016 - 17:11:07 in by Abdikarim Saed Salah
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo gaartay finaalka Europa Lana Ciyaaraysa Savile

    Kooxda Liverpool ayaa gaartay finaalka tartanka Europa League, ka dib markii ay 3-0 kaga badisay kooxda Villarreal, lugtii labaad ee nus dhammaadka tartankaasi oo lagu dheelay garoonka Anfield.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Liverpool ayaa gaartay finaalka tartanka Europa League, ka dib markii ay 3-0 kaga badisay kooxda Villarreal, lugtii labaad ee nus dhammaadka tartankaasi oo lagu dheelay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta dhalisay goolka koobaad, ka dib markii uu kubad shabaqa kooxdiisa ku saray Bruno Soriano, oo Villarreal ka tirsan.

Labada gool ee kale ayaa waxaa qeybtii dambe ee ciyaarta u kala dhaliyay Daniel Sturridge iyo Adam Lallana.

Kooxda Villarreal ayaa waxaa daqiiqadii 71-aad laga saaray Victor Ruiz, taasoo guusha si sahlan ugu xaqiijisay Liverpool.

Dhanka kale, waxaa finaalka isla tartankan usoo baxday kooxda koobkan hadda haysata ee Sevilla, taasoo reebtay kooxda Shakhtar Donetsk.

Ciyaarta kama dambeysta ah ayaa on 18-ka May ka dhici doonta magaalada Basel ee dalka Switzerland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip